Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha caalamka oo soo dhaweysay guddiyada Jubbaland iyo Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsaxaafadeed ka soo baxay xubnaha beesha caalamka ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey go’aanadii ka soo baxay Jubbaland iyo Puntland, gaar ahaan soo magacaabida guddiyadooda doorashada ee heer dowlad goboleed.

Halkan hoose ka aqriso:-

Saaxiibada beesha caalamku waxay soo dhoweynayaan magacaabidda Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Jubaland iyo Puntland, ee la soo bandhigay 27ka bisha Janaayo. Inkastoo ay soo daahday, tallaabadan wanaagsan waaxay gacan ka geysan kartaa abuuridda jawi degdeg loogu hirgeliyo hanaanka doorashada ee heshiiskii 17kii Sebtembar si loo wada dhanyahay oo la isku raacsanyahay.

Saaxiibada beesha caalamku waxay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada ee harsan si horey loogu socdo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay.

Saaxiibadu waxay ku baaqayaan hanaan doorasho oo mid ah oo lagu heshiiyay – iyadoo aan jirin doorashooyin kale oo isbarbar socda ama aan loo dhamayn – oo loo qabto si nabad ah iyadoo la ilaalinayo saaxadda siyaasadda iyo xorriyadda warbaahinta, lana damaanadqaadayo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30, ayna ka soo baxayso natiijo lagu kalsoonaan karo loona wada dhanyahay oo u adeegaysa danta qaran.

In la qabto doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo lagu kalsoonaan karo waa arrin aad muhim ugu ah iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka. Saaxiibada beesha caalamku waxay ku boorinayaan dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay sameeyaan isu tanaasul gar ah oo lagama maarmaan u ah in la xaqiijiyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo.

Saaxiibada beesha caalamku waxay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada ee harsan si horey loogu socdo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay.

Beesha Caalamka ee soo saaray qoraalkan ayaa waxaa ay ka kooban yihiin Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this