Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo ka walwalsan Al-Shabaab oo dib isusoo abaabulay Deegaanada Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaarada Amniga Kenya ayaa sheegtay in Amaanka Deegaanada ku teedsan Xuduuda uu khatar afka u saaran yahay kadib markii Al-Shabaab ay saameyn weyn ku yeesheen Dhacabka iyo laamaha Amaanka Gobolka.

Waxaa soo baxay warar sheegaya in Maduuliyiinta Deegaanka Mandheera ay lacago laaluusha ka qaataan Al-Shabaab tasoo keentay in Al- Shabaab ay kasoo talaabaan Xuduuda, meelaha qaarna Dadka Rayidka ah ayay ka qaadaan lacago Seko ay ku sheegaan.

Tan iyo Markii Dowlada Federaalka Soomaaliya ay Ciidamo keenta Xuduuda waxaa adkaatay in Ciidamada iyo Sirdoonka Kenya ay la socdaan dhaqdhaaaaqa Maleeshiyada Al-Shabaab, taasoo khar ahaa ku ah Amaanka Kenya, ayay dheegeen Saraakiil Kenyan ah.

Maalmaha soo socda waxaa soo baxaya warbixin ay Kenya kasoo saarayso Amaanka Deegaanada ku dhow Xuduuda.

4 sano ka hor Kenya iyo Soomaaliya waxay ku guulaysteen inay kawada shaqeeyaan Amaanka Xuduuda labada Dal iyo Guud ahaan Amaanka Jubbaland, Laakiin Sanadihii dambe waxay u muuqataa in dib loo noqdey tasoo fursad siisay Kooxaha Argagixisada una saamaxday iney dib isusoo abaabulaan. Ayuu yiri Sargaal ka tirsan Ciidamada Amaanka Kenya.

Puntlandi.com

The post Kenya oo ka walwalsan Al-Shabaab oo dib isusoo abaabulay Deegaanada Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this