Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya Oo Baaq U Dirtay IGAD

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa markale war ka soo saartay warbixintii gudiga xaqiiqa raadinta IGAD ee muranka Soomaaliya iyo Keenya.

War ka soo baxay wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaliya ayaa IGAD loogu baaqay in ay kala dirto gudiga xaqiiqa raadinta.

Soomaaliya ayaa gudiga ku sheegtay in aysan aheyn guddi dhex dhexaad ah oo ay la safan yihiin dowladda Kenya, gaar ahaan Xubnaha Djabuti ayey dowladsu sheegtay in si cad ay ula jiraan Kenya.

Guddiga ayaa sidoo kale Xukuumadda Soomaaliya waxa ay ku eedeyn in ay inta ay wadeen Baarintaanada ay muddo dhowr jeer ah isaga daba laabteen Kenya balse Somaliya ay waqti badan gelinin.

War saxaafadeedka ka soo baxay DFS ayaa sidoo kale lagu sheegay dowladda Soomaaliya in ay kalsoonidii ay ku qabtay Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM , lagala noqday kalsoonida.

Hoos Ka Akhriso War Saxaafadeedka DFS.

FB_IMG_1611907207669.jpg FB_IMG_1611907209891.jpg FB_IMG_1611907211694.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this