Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aysan kalsooni ku qabin Ciidamada Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay lumisay kalsoonidii ay ku qabteen Ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Soomaaliya , kuwaasoo qeyb ka ah ciidamo Afrikaan  ah oo dagaal kula jirta Ururka Al-Shabab.

Dowladda Soomaaliya waxa ay tilmaamtay in aysan aqbali doonin lasii shaqeynta Ciidanka Kenya oo ay sheegtay in ay si cad uga soo horjeedaan nabadda Soomaaliya ayna hareermareen hanaankii raadinta xasililoonida.

Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dadaallada looga soo horjeedo Ciidanka Kenya oo ay sheegtay in ay si gaar ah u taageeraan maamul goboleedka Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale ugu baaqday Urur Goboleedka IGAD in la baabi’yo guddiga xaqiiqo raadinta oo hore loogu xilsaaray in ay baaritaan ku sameeyaan faragalin la sheegay in Kenya ay ku hayso Soomaaliya.

one-5.jpg?resize=817%2C956&ssl=1 two-2.jpg?resize=817%2C953&ssl=1 three-1.jpg?resize=819%2C906&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aysan kalsooni ku qabin Ciidamada Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this