Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Muqdisho oo ka mahadceliyey saxiixa kuraasta G/Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa soo dhoweeyey go’aanka taariikhiga ah ee  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu ku saxiixay in gobolka Banaadir Aqalka Sare ku yeesho illaa 13 Senator.

Cumar Filish ayaa sidoo kale shacabka ka codsaday in aan laga hor imaan go’aanka uu madaxweynaha ku saxiixay in gobolka Banaadir uu Aqalka Sare ku yeesho 13 kursi.

Horey baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaraarkan u meel-mariyey, si ay magaalada Muqdisho metalaad ugu yeelato Golaha Aqalka Sare ee dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this