Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ka hortimid guddiyada doorashooyinka ee Puntland iyo Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   
20210128_150852.jpg?resize=402%2C351&ssl

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in guddiyadii ay shaaciyeen Puntland iyo Jubaland ay yihiin kuwo baalmarsan hannaanka sharciga ee lagu magacaabo guddiyada doorashooyinka.

Qoraal ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Gen. Mukhtaar Xuseen Faarax ayaa lagu sheegay in Puntland iyo Jubaland ay baarlmareen heshiiskii la gaaray 17 September 2020 ee qeexayay hannaanka lagu magacaabayo guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Waxaa qoraalka lagu xusay in Puntland iyo Jubaland midkoodna uusan qoraal rasmi ah oo lagu magacaabay guddiyadaas soo gaarsiin Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

FB_IMG_16118332310230318.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post DF oo ka hortimid guddiyada doorashooyinka ee Puntland iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this