Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in Kenya ay ciidankeeda kala baxeyso Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka gaashaandhigga ee dalka Kenya Monica Juma ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dalkeeda ee qayta howl-galka nabad ilaalinta ee AMISOM aysan ka bixi doonin Soomaaliya.

Juma ayaa xustay in qorshaha ka bixitaanka Soomaaliya ee ciidamada Kenya go’aan ka gaaristeeda uu leeyahay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Monica Juma oo warbaahinta kula hadleysay xarun lagu tababaro ciidamada Kenya ayaa sheegtay in muddo xilleedka bixitaanka ciidamada AMISOM uu hore u dejiyey ururka Midowga Afrika oo ah hay’add leh awood sare.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in aysan jirin go’aan toos ah oo ay gaari karto dowladda Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ee qaybta ka ah howl-galka Midowga Afrika ay door weyn ka qaateen la dagaalanka Al-Shabaab.

Sannadihii dambe ayaa waxaa sii kordhayey khilaafka Kenya iyo Soomaaliya, iyada oo dowladda federaalka ay Kenya ku eedeysay in ay fara-gelineyso arimaheeda gudaha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this