Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo ballan qaaday inay xoojineyso gargaarka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso taageerada dhinaca gargaarka ee Soomaaliya ee sanadkan oo ay jiraan dhibaatooyin daran.

Xiriiriyaha arrimaha gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Adam Abdel Mowla ayaa xusay in sanadkan ay jiraan caqabado ballaaran oo ka dhashay sannadkii hore.

Mr Adam ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiraan saddex marxaladood oo sare u qaaday dhibaatooyinka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin is-bedalka cimilada, colaadaha iyo cudurka halista ah ee Coronavirus oo sii xumeeyay arrimaha bani’aadinimo ee sanadakan.

“Run ahaantii arrimaha aan soo sheegnay ayaa ah dhibaatooyinka ugu waa weyn ee jira, waxaana anaga iyo ururada nala shaqeeya aan qaabeyneynaa dadaaallada loogu gurmanayo dadka dhibaateysan ee u baahan gargaarka bani’ aadinimo” ayuu yiri Mr Adam.

Xafiiska isku xirka howlaha gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in dad ka badan shan milyan oo ruux oo Soomaali ah ay sannadkan u baahan yihiin gargaar

Adam Mowla ayaa sheegay in duufanti Gati ee dhammaadki sanadkii hore ku dhuftay Soomaaliya ay waxyeelo u geystay illaa iyo 120,000 ruux oo ku sugnaa  Puntland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this