Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni Iyo Axmed Madoobey Oo Ku Baaqay Shir Deg-deg Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-War-saxaafadeed ay wada jir u soo saareen madaxweyne dowlad gobolleed Puntland iyo Jubaland ayaa ay ku dalbadeen shir deg deg ah lagaga hadlayo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada Soomaaliya.

Waxaa ay si weyn war-saxaafadeedkooda uga hadleen heshiiskii doorasho ee madaxda Dowladda iyo dowlad goboleedyada Muqdisho ku gaadheen 17-kii bishii September, kaas oo dhaqan geli waayay iyo caqabadaha ka hor yimid.

30-ka bishan January ayaa ay ku baaqeen in la qabto shir weyn looga arrinsanayo doorashooyinka dalka, madaama 8 February oo maalmo kooban uun naga xigaan uu ku eg yahay muddo xileedka dowladda hadda jirta.

2021128637473893629215265.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this