Sign in to follow this  
Deeq A.

Joe Biden Oo Hakiyey Mashruucii Trump Hubka Kaga Iibinayay Sacuudiga Iyo Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Xukuumadda cusub ee Maraykanka ayaa hakisay mashruucii ay ansixisay xukuumadii hore ee Donald Trump oo hub badan ka iibinayey dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Mashruucyadan ayaa waxaa kamid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah F-35 oo Imaaraadka doonayey inuu ka iibsado Maraykanka, xukuumadii Trump ayaa u fasaxday imaaraadka in hubkan laga iibiyo kadib markii Abu Dhabi ay xidhiidh la sameysatay maamulka Israa’iil bishii September 2020.

Sacuudiga ayaa isaguna ka dalbaday shirkadaha laga leeyahay Maraykanka ee hubka soo saaraa hub badan oo ay ku jiraan gantaalada casriga ah mashruucaasi oo kamid ah kuwii ay ansixisay xukuumadii hore, Trump ayaa xidhiidh dhaw la lahaa dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman oo uu gacan weyn kasiiyey dagaalka Sacuudiga ka wado waddanka Yemen.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee xukuumada cusub, Antony Blinken oo Arbacadii shalay qabtay shirkiisii jaraa’iid ee ugu horreeyey ayaa sheegay in la hakiyey mashaariicdaan si dib u eegis loogu sameeyo inay saameyn ku yeelan karaan siyaasadooda ku aadan barriga dhexe iyo danaha Maraykanka ka leeyahay mustaqbalka gobalka.

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden ayaa xilligii uu ololaha doorashada ku jiray sidoo kale balanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda waddanka Yemen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this