Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Jubbaland oo shir deg deg ah ku baaqay

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-iyo-madoobe.jpg?resize=1000%2C667&s

Puntland iyo Jubbaland ayaa ku baaqay in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay isugu yimaadaan shir deg deg ah, si loo xaliyo arrimaha hortaagan doorashada.

Warmurtiyeed wadajir ah oo goordhaweyd soo saareen Puntland iyo Jubbaland ayaa loogu baaqay Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah in ay shir deg deg ah isugu yimaadaan Muqdisho 30 bishan Janaayo.

Puntland iyo Jubbaland waxay tilmaameen in ay diyaar u yihiin, sidii dalka uga dhici lahayd doorasho loo dhanyahay oo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale Puntand iyo Jubbaland ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay gacan ka geytsaan badbaadinta Soomaaliya, haddii bay yiraahdeen la gaaro 8-da Feebaraayo, iyadoo aan laga heshiis doorashada.

FB_IMG_16117860802160372.jpg?resize=656% FB_IMG_16117860871006668.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Jubbaland oo shir deg deg ah ku baaqay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this