Sign in to follow this  
Deeq A.

Saadaq Faarax Ducaale “Waxaan Dhaqaale U Aruurinaa Ciyaartooyda Hore Soomaaliya”

Recommended Posts

Deeq A.   

Saadaq Faarax Ducaale oo ka mid ahaa ciyaartooydii hore kooxaha kubbadda cagta Horseed iyo Madbacada Qaranka ayaa munaasabada ka dhacday magaalada Muqdisho ayna ka qeyb galeen in badan oo ka mid ahaa laacibiintii hore iyo qurbajoogta ku soo laabtay magaalada Muqdisho ka sheegay in ay dhaqaalo lacageed ay u aruuriyaan ciyaartooydii hore dalka ee ku dhibaataysan Soomaaliya,wuxuuna intaa ku daray in barnaamijkan ay iska kaashanayaan halyayadii hore ee isboortiga Wadanka.IMG_7516-1024x683.jpg“Waxaa jiro garoob la dhaho SOMALI LEGEND oo laga aas aasay dalka dibadiisa,waxayna kala joogaan qaarada Yurub,Ameeika,Canada ilaa Australia,wuxuuna garoob-kaas ka kooban yahay ilaa 360 qofooda oo badankood ka soo ciyaaray horyaalada kala duman ee ciyaaraha dalka” ayuu sheegay laacibkii hore kooxaha Horseed iyo Madbacada Qaranka mudane Saadaq Faarax Ducaale.whats-sss.mp4.00_03_34_18.Still001-1024xDhinaca kale laacib Saadaq Faarax waxa uu sheegay in ay shaqsiyaadkaas sandkii ay iska aruurinayaan lacag dhan 100$,si wax loogu qabto ama lagu caawiyo laacibiintii hore dalka ee ku dhibaataysan Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.Sequence-492.00_00_30_05.Still002-1024x7Sanadkii la soo dhaafay JULY ayaan bilaawnay barnaamijkan,waxaan aruurinay lacag gaaraysa laabtan iyo labo kun oo doollar,waxaan rajaynayaa in intaas ka badan ay gaarto bisha March ee 2021” ayuu hadalkiisa sii raaciyay laacib Saadaq Faarax Ducaale oo ka mid ah guddig isku xilqaamay howshan.Screenshot-2021-01-27-at-15.30.10-1024x7Guddigan ka kooban ciyaaryahanadii hore Soomaaliya ee isku xilqaamay caawinta walaalahooda ayaa kulan ay ku yeesheen Wadanka Canada,waxa go’aan sadeen in aan la fiirsan karin baahiya iyo dhibaatooyinka Soomaaliya ku haysta xidigihii hore kooxaha kubbadda cagta,kolayga,Oradada,feerka,kubbadda cagta iyo qeybaha kale ee isboortiga Soomaaliya.142246858_230412931966573_19124704937844“Sababta aan howshan u samaynay waxa ay tahay in aan caawino walaalaheena oo xili hore waqtigooda u soo bixiyay in ay kor u qaadaan sharafta iyo magaca Soomaaliya,iyagoo ku difaacaya xirfadooda isboortiga,balse waxaan diyaar u nahay in aan soo dhawayno qof kasta oo doonaya in uu ka qeyb qaato barnaamijka “SOMALI LEGEND” ayuu hadalkiisa sii raaciyay laacibkii hore kooxaha kubbadda cagta Horseed iyo Madabacada Qaranka mudane Saadaq Faarax Ducaale.Screenshot-2021-01-27-at-15.33.05-1024x7

Daawo Saadaq Faarax Oo Arrimahaas Ka Hadlaya

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this