Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay nin geystay Kufsi iyo dil

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay gacanta lagu dhigay  Nin Kufsi iyo dil kaam ku yaal duleedka Magaalada Muqdisho ugu geystay Gabar 8 sano jir aheyd.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in shalay oo ku beegneyd 26-ka Bisha Janaayo Nin Magaciisa ku sheegay Daahir Maxamed Qaasim laakin Magaciisa rasmiga ah uu yahay Bashiir Maxamed Qaasim uu kufsi iyo dil uu ka geystay kaam ku yaal duleedka Magaalada muqdisho.

Waxaa uu sheegay AfhayAenka in Ninkaasi uu kufsi isugu daray Gabar yar oo 8 sani jir aheyd xilli ay ku sugneydn kaamka Saddex Buurood oo ku yaal inta u dhaxeeysa degaannada Xaawa Cabdi iyo Calamada.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in eedeysanaha oo falkaasi qirsan gacanta lagu soo dhigay, isla markaana haatan lagu haayo xarunta Hay’adda dambi barista ee CID-da si baaris dheeraad ah loogu sameeyo, kadibna Maxkamad loo geeyo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this