Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Wasiirka Difaaca UK

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Difaaca Boqortooyada Ingiriiska Mudane Ben Wallace oo uu wehelinayay Safiirka Ingriiska ee Soomaaliya Mudane Ben Fender.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Wasiirka qorsheyaasha hirgalay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka xaqiijisay hannaanka dib u dhiska Ciidamada, amniga, dib u heshiisiinta iyo la dagaallanka argagixisada Al Shabaab.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo kulanka ka qeyb galay ayaa ka warbixiyey wadahadallada miro-dhalka ah ee dhexmaray labada dhinac, iyadoo la isla qaatay adkeynta iskaashiga labada dal ee dhanka Amniga iyo la dagaallanka argagixisada.
“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkeynta amniga dalka iyo ciribtirka Argagixisada Alshabaab, iyadoo kaashaneysa saaxiibbadeeda caalamka ee ay UK ka mid tahay. Labada dowladood waxa ay isla qaateen dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadidda tababarrada iyo hannaank dib u dhiska ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Boqortooyada Ingiriiska Mudane Ben Wallace ayaa bogaadiyey horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan dib u dhiska ciidamada iyo la dagaallanka Al-Shabaab

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this