Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Marayakanka oo amar culus duldhigtay Dalka Eritrea 

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawlada Marayakanka oo amar culus duldhigtay Dalka Eritrea 

eritrea-300x157.jpg

Mareykanka ayaa amar ku bixiyay in Eritrea sida ugu dhakhsiyaha badan ay dhammaan kala soo baxdo ciidamadeeda gobolka Tigray, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.

Wakaaladda oo soo xiganeyso afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay inay hayaan warar laisku haleyn karo oo ku saabsan in dhac, kufsi iyo weeraro ay ka dhaceen xeryaha qaxootiga iyo sidoo kale in la geystay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka”

“Waxaa jiraa caddeymo muujinaya in ciidamada Eritrea ay si qasab ah dib ugu celinayaan Eritrea qaxootiga u dhashay dalkaas ee ku sugan xeryo ku yaalla gobolka Tigray”

Dowladda Itoobiya waxay horey u beenisay in ciidamo Eritrean ah ay ku sugan yihiin gobolka Tigray kaddib dagaalkii dowladda ay ku qabsatay gobolkaas.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this