Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed oo sheegtay in ay ka hortagtay go’adood ay damacsanaayeen Al-Shabaab.

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey howlgallo amni xaqiijin ah oo saacadihii lasoo dhaafay ay sameeyeen ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Saaydheeloow 30km dhinaca Waqooyi uga beegan Magalada Baydhabo, waxaana howlgalka siwadajir ah u fuliyay Ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed.

Taliyaha Ciidamada Booliska koonfur Galbeed Korneyl Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa sheegay inay ka hortageen go’doomin ay Al-Shabaab la damacsanaayeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Taliyaha in howlgalka ay ku dileen mas’uuliyiintii degaannada Saaydheeloow & 20 jiroow, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen hub farabadan.

Degaanada Koonfur Galbeed Maalmaha waxaa ka socday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoona uu bixiyey Madaxweyne Laftagareen amar lagu furayo degaanada ku jira Go’adoodka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this