Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Hirshabelle oo Beesha Caalamka kala hadlay arrimaha doorashada iyo khilaafta taagan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan dhinaca khadka Internet-ka ah la yeeshay Xubno ka tirsan Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Xubnaha Beesha Caalamka oo uu horkacayay Wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Amb, Jemis Swan ayaa waxaa ay Madaxweynaha Hir-Shabeelle kala hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha Hir-Shabeelle.

Kulanka ayaa siweyn waxaa ay uga wada hadleen labada dhinac Muhiimadda wadahadalku uu leeyahay iyo baahida degdegga ah ee loo qabo in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee dalku ay xal ka gaaraan  khilaafaadka la xiriira doorashooyinka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa todobaadyadaan waxaa ay wadeen kulamo ay la qaadanayaan saamileyda siyaasadeed ee dalka six al looga gaarao khilaafka hareeyay doorashooyinka Soomaaliya, iyada oo mudada xileheynta Madaxda dowladda ay ka harsan tahay wax ka yar laba todobaad.

Wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Amb, Jemis Swan aya dhawaan tegay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Garoowe, isaga oo kulamo gooni gooni ah la qaatay Madaxweynayaasha galmudug iyo Puntland, waxaana uu kala hadlay sidii xal looga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this