Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax goordhaw ka dhacay Muqidhso.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaari ay la socdeen shaqaalaha Soomaalida ah ee la shaqeeya injineerada Turkida ah ee dhismaha ku wada wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa goor dhaw lagu qarxiyey degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyey hal qof shacab ah oo wadada marayey ayaa ku geeriyooday qaraxaas, sidoo kale qof kale ayaa ku dhaawacmay, waxaana ka badbaaday shaqaalihii lala beegsaday ee la socday gaariga.

Goobjoogayaal ayaa Shabelle u  sheegay in khasaare uusan soo gaarin xubnihii la socday gaariga oo sida la aaminsanyahay uu bartilmaameedku ahaa.

Al-Shabaab ayaa inta badan beegsada shaqaalaha iyo injineerada Turkida ah ee dhisaya wadada laamiga ah ee xariirasa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this