Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Dubbe oo sheegay in Guddigii IGAD ee xaqiiqo raadinta ay la safteen Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in gudigii IGAD ee loo saaray xaqiiqo raadinta khilaafka Soomaaliya iyo Kenya ay la safteen Kenya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Jabuuti ay la safatay Kenya ayna Dowlada Soomaaliya raaligelin ka rabto Dowladda Jabuuti.

Wuxuu ku eedeeyay Guddiga IGAD in aysan dhexdhedaad ka noqon arrimaha labada dal iyo in ay qaateen warbixin hal dhinac u xaglinaysa.

Wasiir Dubbe wuxuu sheegay in Soomaaliya leedahay cadow faro badan oo doonaya in uu dumiyo rajada iyo dawladnimada u soo bidhaantay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Wasiirka in dowladda Soomaaliya ay aad u soo dhaweeysay markii guddiga la sameeyay balse qodobada iy natiijada ay soo saareen aysan ku qanacsaneyn, isla markaana ay ku noqotay fajac iyo amakaag.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ma shaacin Go’aanka ay dowladda Soomaaliya qaadan doonto maadama aysan ku qancin Go’aanka Guddiga, isaga oo sheegay inay rajo ka qabaan inay guddiga iyo dowladda Jabuuti raali-gelin bixin doonaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this