Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya Oo Ku Gacan Seydhey Go’aan Ka Soo Baxay Guddiga Loo Saaray Dacwaddii Ay Ka Gudbisay KENYA

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan seydhey warbixin uu soo saaray guddigii xaqiiqo raadinta IGAD ee dhawaan loo saaray dacwaddii dowladda Soomaaliya ka gudbisay Dowladda Kenya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Guddigaas in aanu dhex dhexaad ka noqon arrimaha labada dal, isla markaana uu qaatay warbixinta hal dhinac oo Kenya ah.

“Guddiga IGAD ee loo xilsaaray xaqiiqo raadinta dacwadii Somalia ka gudbisay Kenya wuxuu so saaray warbixin lala yaabo oo u janjeerta hal dhinac” ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Somaliya.

Guddiga ayaa sheegay in xuduuda labada dal ayna ku soo arkin wax caddeynaya sheegashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay abaabuleyso Jabhad weeraro ka fulisa gudaha Soomaaliya, iyagoo sheegay inay xaqiijiyeen in Cabdirashiid iyo ciidamadiisa ay ka tirsan yihiin ciidamada Jubbaland.

Warbixintan uu soo saaray guddigan ayaa ku soo beegmaya xilli laba maalmood ka hor uu iskahorimaad hubeysan ku dhex maray magaalada Beled Xaawo ciidamo daacad u ah dowlada federalka iyo ciidamada maamulka Jubbaland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this