Sign in to follow this  
Deeq A.

Joe Biden oo digniin culus u jeediyay Putin

Recommended Posts

Deeq A.   

Joe Biden oo digniin culus u jeediyay Putin

biden-2.jpg

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa markii ugu horreysay ee ay telefoonka ku wada hadleen hoggaamiyaha Ruushka Vladimir Putin uga digay faragelinta doorashada, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Wada hadalka waxaa lagu soo daray dibadbaxyada ay mucaaradku soo abaabuleen ee ka socda Ruushka iyo ballaarinta heshiiska Mareykanka iyo Ruushka ee hubka nukliyeerka.

Mr Putin ayaa madaxweynaha cusub ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashada, sida laga soo xigtay warsaxaafadeed Ruushka ka soo baxay.

Labada dhinac ayaa sheegay inay isku raaceen in la joogteeyo xiriirka.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa mararka qaar ka gaabsan jiray Ruushka waxaana lagu eedeyn jiray inuu u jilicsanaa Mr Putin.

Balse Madaxweyne Barack Obama – oo maamulkiisa uu Mr Biden ka soo noqday madaxweyne ku xigeen – ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ku guul darreystay inuu il gaar ah ku eego xukuumadda Kremlin kaddib markii ay sheegatay gacanka Crimea, ay qabsatay bariga Ukraine ayna sidoo kale isku ballaarisay Suuriya.

Maxay Aqalka Cad iyo Kremlin ka yiraahdeen wicitaanka?

“Mdaxweyne Biden ayaa caddeeyay in Mareykanka uu difaaci doono danaha qarankiisa uuna jawaab adag ka bixin doono falalka Ruushka ee na dhaawici kara amaba dhaawici kara xulafadeenna,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Mareykanka.

Waxaa sidoo kale la sheegay in labada madaxweyne ay shalay ka wada hadleen weerarkii weynaa ee burcadda internet-ka ee SolarWinds, kaa soo lagu eedeeyay Moscow, wararka sheegaya in Kremlin ay lacag dul dhigtay ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afghanistan, iyo sumeyntii hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka Alexei Navalny.

 

Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in Mr Putin uu garwaaqsaday in soo celinta xiriirka Mareykanka iyo Ruushka ay dan ugu jirto labada dal.

“Guud ahaan, wada hadalka dhex maray hoggaamiyeyaasha Ruushka iyo Mareykanka wuxuu ahaa mid danaha dalka looga hadlay oo saaixibtinimo ahaa,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Kremlin.

Labada hoggaamiye ayaa u muuqda inay ku heshiiyeen in la cusbooneysiiyo New Start, oo ah heshiis ay labada dal kala saxiixdeen xilligii Obama kaas oo quseeya hubka nukliyeerka ee Mareykanka iyo Ruushka.

Waxaa lagu wadaa inuu heshiiskaas ay muddadiisa ku ektahay bisha soo socota, Mr Trump ayaana hore u diiday inuu saxiixo.

Falanqeyn: Biden ma doonayo iska hor imaad

Joe Biden ayaa caddeeyay inuu ku ad adkaan doono Vladimir Putin si ka duwan Donald Trump, oo diiday inuu la xisaabtamo Kremlin isla markaana dhowr jeer shaki ka muujiyay faragelintii Ruushka ee doorahsooyinkii 2016.

Arrintaas oo uu Mr Biden aad ugu khilaafay Mr Trump, iyadoo la sheegay in Mr Putin uu ku wargeliyay inuu la socdo in Ruushka uu isku dayay faragelinta doorahsooyinkii 2016 iyo 2020. Wuxuu sidoo kale uga digay madaxweynaha Ruushka in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu iska difaaco weerarka internet-ka iyo kuwa kaleba.

Inkastoo Mr Trump uu adeegsanayay hannaan xal raadin ah, haddana xukuumadda Kremlin waxba kama faa’iidin madxatinnimadiisa, sababtuna waxay tahay maamulkiisa cunaqabateyn culus ayuu ku soo rogay Ruushka. Joe Biden iyo kooxdiisa siyaasadda dibadda ayaa il gaar ah ku eegi doona xuquuqda bani’aadamka iyo danaha uu Mr Putin ka leeyahay Yurub.

Balse ma doonayaan iska hor imaad.

Taas beddelkeed, waxay rajeynayaan inay joogteeyaan xiriirkooda ayna is kaashadeen marka ay suurto galka tahay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this