Deeq A. Posted January 27, 2021 Sirdoonka Itoobiya oo digniin Xasaasiya soo saaray Itoobiya ayaa dadka isticmaala baraha bulshada uga digtay wararka la faafinayo ee la xidhiidha xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed, kaasoo aan muddo labo isbuuc ah lagu arkin goob fagaare ah Hayadda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda ee Itoobiya ee NISS, ayaa wacad ku martay inay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku share gareeya wax ay ugu yeedhay wararka marin-habaabinta ah ee ku saabsan caafimaadka Ra’iisul Wasaaraha. NISS ayaa sheegtay in wararka noocaas ah ay khalkhal galinayaan amaanka waddanka “”Laga billaabo hadda, looma dulqaadan doono wararka been abuurka ah ee baraha bulshada lagu hadal hayo, dacwad ayaana lagu soo oogi doonaa qof walba oo lagu helo falkaas khatarta galinaya amniga qaranka iyo jiritaanka waddanka,” ayaa lagu yidhi bayaanka. Markii ugu dambeysay ee uu Dr Abiy Axmed kasoo muuqdo fagaare waxay ahayd markii ay taariikhda uu waddankaas isticmaalo ku beegneyd Talaadadii, 13-kii bishii December, 2013. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites