Deeq A. Posted January 26, 2021 War qoraalka ah oo ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka Qaran ee Ethiopiya ayaa loogu digay dadka faafinaya warka ku saabsan xaaladda Caafimaad Abiy Ahmed, kaas oo aan muddo laba todobaad ah lagu arag muuqaalkiisa Warbaahinta. Sirdoonka Ethiopia ayaa been abuur ku tilmaamay wararkaasi. “Laga billaabo hadda, looma dulqaadan doono wararka been abuurka ah ee baraha bulshada lagu hadal hayo, dacwad ayaana lagu soo oogi doonaa qof walba oo lagu helo falkaas khatarta galinaya amniga qaranka iyo jiritaanka waddanka,” Qoraal maanta la soo dhigay Page-ka gaar ah ee Raysal Wasaaruhu ku leeyahay Face Book ayuu ku bogaadiyay heshiiska Iskaashi ee dhexmaray Oromada iyo Soomaalida. Source Share this post Link to post Share on other sites