Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo Amrey in Xoolaha Gobolka Hiiraan aan laga dhoofin Bosaso ee laga dhoofiyo Dekada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Al-Shabaab ayaa soo saaray war Ceeb iyo fadeexad ku ah Dowlada Federaalka ay cadeeyeen iney saameyn weyn ku leeyihiin Dekada Nuqdisho.

Ganacsatada Xoolaha ka beeyacmushtarta ee Gobolka Hiiraan ayay ku amreen ineysan una beec geyn karin kana dhoofin karin Xoolohooda Dekadaha Puntland ama Soomaaliland, isla markaasna aysan ka iibin karin Ganacsatada Labadaas Maanul., Ganacsadihii ku xadgudba Amarkaan wuxuu bixinayaa Lacag Hanaan ah.

Al-Shabaab waxay si toosa u carabaabeen oo Amar ku bixiyeen in Xoolaha laga dhoofiyo Dekada Muqdisho.

Tani waxay cadeynaysaa in Dekada Muqdisho ay tahay mid ay Al-Shabaab gacan ku leeyihiin, isla markaasna Khidmad ku leeyihiin wixii ka dhoofa ama kasoo dega.

Dowlada Federaalka iyo Shirkada Turkiga ee Maamula Dekada Muqdisho kama aysan hadal Hadalka kasoo yeeray Al-Shabaab.

Puntlandi.com Muqdisho

The post Al-Shabaab oo Amrey in Xoolaha Gobolka Hiiraan aan laga dhoofin Bosaso ee laga dhoofiyo Dekada Muqdisho appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this