Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga KULMIYE Oo Guddi Cusub Magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)- Xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa magacaabay guddiyo loogu talogalay inay soo xulaan, soona diyaariyaan musharraxiinta xisbiga uga qaybgalaya tartanka doorashada Golaha Wakiillada iyo golayaasha degaannada dawladaha hoose ee dalka ee lagu wado inay qabsoonto badhtamaha sannadkan.

Wareegto uu soo saaray Gudddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) maanta oo Salaasa ah, waxa uu ku magacaabay saddex guddi oo laba ka mid ahi soo kala xulayaan murrashaxiinta xisbigu u qaadanayo tartanka doorashada ee gobollada dalka iyo guddi heer qaran ah oo ka shaqaynaysa xallinta wixii khilaaf ah ee ka soo noqon kara hawsha diyaarinta murrshaxiinta.

Gobollada Togdheer, Sool iyo Sanaag, waxa loo magacaabay guddi ka kooban 14 xubnood oo uu Guddoomiye u yahay Md. Baashe Maxamed Faarax oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, halka gobollada Maroodi-jeex, Awdal iyo Saaxil loo magacaabay guddi ka kooban 15 xubnood oo uu hoggaamiye u yahay Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo ah Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Xukuumadda Somaliland.

Waxa kaloo Guddi ka kooban 6 xubnood loo sameeyey oo ka shaqaynaysa maaraynta khilaafyada musharraxiinta u tartamaya doorashada golayaasha Wakiillada iyo kuwa Degaannada dalka ee xisbiga KULMIYE.

Faahfaahinta guddiyadan loo xulay hawlaha musharraxiinta doorashada iyo magacyada xubnaha guddiyada oo dhammaystiran ka akhriso halkan hoose:-

143018100_1304170916613291_9002702344893 142596369_1304170889946627_6623772712628

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this