Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo daah-furay shirweyne muhiim ah + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Shirweynaha saddexaad ee Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland, oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland.

Siciid Deni ayaa bogaadiyey shirka isaga oo rajeeyay in maalmaha uu socdo ay kasoo baxaan tallooyin wanaagsan, oo ka qeyb qaata badaadinta deegaanka.

Madaxweyne Deni ayaa la wadaagay shirka in Dowladdu ciidamada ay dhistay ay door muhim ka qaadan doonaan in sharciga la mariyo dadka dhirta jara iyo kuwa dhulka qabsada iyagoo ganacsi ka raadinaya.

Maamulka Puntland ayaa hore u yareysay Cashuurta laga qaado Gaas-ka cuntada lagu karsado, si bulshadu ay uga baaqato in ay dhirta jaraan , sidoo kale Dowladdu waxay horumarisay tamarta Shirkadaha Korontada ee Boosaaso taasi oo iyana dhiirrigelinaysa in dadku korontada adeegsado.

Shirweynaha 3-aad ee Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland oo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Hay’addaha Dowladda kala shaqeeya arrimaha deegaanka, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Aqoonyahanada, Waxgaradka , Culimada iyo Ururada Bulshada.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

WhatsApp-Image-2021-01-26-at-3.24.37-AM- WhatsApp-Image-2021-01-26-at-3.24.37-AM. WhatsApp-Image-2021-01-26-at-3.24.38-AM- WhatsApp-Image-2021-01-26-at-3.24.38-AM. WhatsApp-Image-2021-01-26-at-3.24.39-AM.

WhatsApp-Image-2021-01-26-at-3.24.36-AM.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this