Deeq A. Posted January 26, 2021 Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta warbixin ka dhageystey guddiga loo saaray in ay ka soo tala bixiyaan sida ugu haboon ee maamulka gobolka Banaadir ula wareegi lahaa xarumaha bixiya adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee ku yaalla magaalada Muqdisho. Guddigaan ayaa ka koobnaa laba xubnood o ka kala socday Maamulka Gobalka Banaadir iyo kan wasaaradda Caafimaadka soomaaliya Wasiirka wasaaradda Caafimaadka soomaaliya Dr Fowziya Abikar Nuur oo kalan ka hadashay ayaa sheegatay in guddiga uu howl-wanaagsan qabtay ayana soo bandhigen wax yabihii ay qabteen. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqisho Cumar Filish aya dhankisa bogaadiyay guddiga shegayan in maamulka Gobalka ay ka go’antahy hormarinta xarumaha Caafimaad ee Gobalka Banaadir. Dhanka kale Guddoomiyaha Gobalka banaadir aya booqaday Isbitaalka Martiina isogona warbixin ka dhageeystay maamulka isbitaalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites