Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad Taagertay Xukun Lagu Riday Rag Qarxinayay Muhaajiriin Soomaali Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kansas)-Maxkamadda racfaanka Dalka Mareykanka ayaa taageertay Xukunka sadax nin oo cadaan ah oo qorsheeynayay in Bam ku qarxiyaan dhismo dabaq ah oo ku yaal kanasas oo ay daganaayeen Muhaajirin Soomaali ah iyo Masaajid, iyagoo diiday xukunkii Isniintii ee ahaa in FBI-da ay qariyeen.

Curtis Allen, Gavin Wright iyo Patrick Eugene Stein ayaa xeerbeegtida ku heshay dambiga Maxkamada degmada Kansas U.S.A ee sannadii 2018 inay shirqooleen adeegsiga hubka wax gumaada iyo inay ku xad gudbeen xuquuqda madaniga ah ee muslimiinta ku nool dhismaha guryaha magaalada Garden.

Bishii Janaayo 2019, Xaakimka heer federaal ee dalka Mareykanka Eric Melgren wuxuu Allen ku xukumay 25 sano oo xadhig ah, Wright 26 sanno iyo Stein 30-sanno.

Saddexda nin waxay racfaan ka qaateen Maxkamadda 10-aad ee Mareykanka, iyagoo ku doodaya in garsooraha uu ku khaldamay inuu diido codsigooda oo ahaa in loo oggolaado inay horumariyaan difaac ay ku soo xireen Xafiiska Dambi Baadhista ee Federaalka. Waxay kaloo ku doodeen in xubnaha laga soo xulay xeerbeegtideeda ay ahayd mid aan habboonayn.

Guddi sadex garsoore ka kooban ayaa diiday doodahan Isniintii. Goluhu wuxuu xukumay in raggan ayna ka hor imaanin qaabka xulashada xeerbeegtida mudada toddobada maalmood ah ee sharcigu u baahan yahay.

FBI-da ayaa adeegsatay xog-ogaal qarsoodi ah oo iska dhigay inuu ka ganacsado hubka saddexda nin, taasoo ragga ay ku doodeen inuu dabin yahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this