Sign in to follow this  
Deeq A.

Hadaad ururiso, taariikhda maanta iyo shalley. Waxaad noqon doonta taariikhyahanka beri

Recommended Posts

Deeq A.   

Hadaad ururiso, taariikhda maanta iyo shalley. Waxaad noqon doonta taariikhyahanka beri. Ardeydda jamacadda Somaliland waxan kula dardaarmayaa. Iney waxna akhriyaan journalkana iibsadaan.

1611650331755_1611650329173_161165024992

Waayo jariiradda waa maanta iibsato waxey noqon-doonta makhraatiga mustaqhalka taariikhda beri.

Xogta aan ururiyey waxey noqotey 250 page ilaa 500 baan gaadhsiinaya dhacdooyin iyo qisooyin dalkeena ka dhacey. Waayo shirarkii nabadeynta ceergaabo ee lagu qabtey garoonka ceergaabo.

Waxaan ahaa ciyaalka baabuurta dabadda-qabsadda. Waxa igu xasuus badnaa. Heshiiskii beelaha Somaliland markii ceergaabo lagu qabtey.

Maalin roob’ da’ayey. Waxaan dabadda qabsaddey. BAARUUR landcruser oo uu lahaa siyaasi caan oo Sool clan ahaa. AHN SAKHRAAN. Maalinta waxaan xasuusta gaadhigii intuu siliteeyey ayaan ka siibtey suxuladda ii mudhxey.

Hadana odayaasha shaah ayaan u keenijirey shirka waan dhageysan jirey, xogta waan fahamsana. Waxaanse ku faraxaanaa dadka badan ee isu yimi.

Habeenkiina film hindia daawan jirey. Kubaddna sharabaad baanu ku ciyaari jirney. Schoolka DAASADDO CAANO boodhe ayanu Ku fadhiisan jirney. Waxyabahaan ka xano markaan xasuusto buwaagta iskuulka ee siyaad bare ku sawirna waxaanu ka iibin jirney Hoteladda cuntaadda laga cuno. Sidda bugii kacaanka. Kuwa kalena qaarna sawiradaanu Ka goosan jirney.

Cid naga celisa maanu heysan. Waayo dadku waxu heystey xarumaha dowladda in siyaad bare ka tagey, Lamase garaneyn in eynu inagu leenahey. Waa waxyababa WERSHADII SIBIDHKA BERBERA. qalabkeeddi Yemen iyo Ethiopia loogu iibgeeyey. #AyaanDaro. Maanta sibidhka dalkeena dibadda ayaynu ka keena.

Buwaagtaanu xaraashney maanu garaneyn in anu aqoontaanu baran laheyn beri aanu iibineyno. Dal burburey ciyaar maaha. Jabhadnimaddu maaha wax lagu faano. Dowladdnimaddu waa gobonimadda umaddi heli karto

Xasuus qorka aan sameyey iyo dhacdoonyonka aan usoo taagna ilaa 2001. ilaa aftiddii dastuurka

Anigoo ka diyaariyey xasuus qor. Dhalinyaro (under-20) iyo waxii ka danbeeyey 2003-2005 doorashadii Madaxweynaha iyo baarlamanka oo aan ahaa dhalinyaradda dugsiyadda sare.

Markii danbena aan ahaa ardeydii jamacadda dibadda ugu baxey ee doorashadii Baarlamanka yimi kana qeyb-galey kaambeynkii xisbiga UDUB.

Insha Allah hadii alle NAFTA ii daayo 7 sano Ka dib baan rabaa in aan idinla wadaago. Markaas oo aan ku saleynayo in qoraalkii dhalinyaradda maanta iyo kuwa beri EY u noqon doono. Taariikh iyo xasuus qor Ka madax-banaan qabyaaladd iyo cunfiga maanta dalkeena hadheeyey.

Soo duuceya in Alle igu simo

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this