Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo soo iibsatay Gaadiid casriya oo Al-Shabaab lagu dagaalamayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa lagu wadaa inay ka soo iibsato Turkiga 118 Gawaarida Xamuulka qaada.

Talaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu hubiyo inta ugu badan ee ay badbaadi karaan ciidamadooda maaddaama ay la dagaallamayaan maleeshiyada al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.

Afhayeenka KDF Col Zipporah Kioko ayaa u sheegay Wargeyska Star DoD inay dhameystireyso heshiiska ay Kenya la gashay shirkad Turki ah si ay u keento Kenya 118 Gawaarida gaashaanle ah nooca APC.

Kioko ayaa u sheegay Wargeyska Star in heshiisku uu marayo heer gabo gabo ah isla markaana soo iibinta Gaadiidkaan gaashaanle APCs looga gol leeyahay in la helo Qalab ilaalin kara ciidamada meelkasta oo la geeyo.

Wargayska Star ayaa xaqiijisay inay ku bixin doonto canshuur bixiyaha lacag lagu qiyaasay 7.7 bilyan oo shilinka Kenya ah si ay uga iibsato wax kabadan 118 APC iyadoo loo marayo wakaaladda Maaaliyada Dalka lacagta bixinaysa.

Maraakiibta hadda socota ee sida APC waxay ka kooban yihiin nooca Puma M26-15, WMZ 551BSI, Mamba MK5, Bastion iyo CS / VP 14, dhammaantoodna waxaa lagu soo kordhiyay adeegga intii u dhaxeysay 2010 iyo 2019.

Dhammaantood waxaa la geynaya dalka Gudihiisa iyo Soomaaliya si wax looga qabto khataraha amniga .

“Ciidanka Kenya waxay sameeyeen qiimeyn xasaasi ah waxayna xaqiijiyeen in jawiga howlgalka casriga ah uu si weyn wax uga qabtaan gaadiidkaan siibtay khatarta ugu waawayn ee Gawaarida APCs ay difaacaan waa Miiniiyinka IEDs iyo IEDs ee lagu aasovdhulka iyo weerarada gaadmada ah ee adag,” Kioko ayaa yiri.

Meelaha Gawaaridaan la hayn doona waa Deegaanada Jubbaland gaar ahaan Gedo iyo Nawaaxiga Kismaayo.

Puntlandi.com Nairobi

The post Kenya oo soo iibsatay Gaadiid casriya oo Al-Shabaab lagu dagaalamayo appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this