Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda degmada Beledxaawo oo saaka degan

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta degan xaalada degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kadib markii ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa wasiirka amniga maamulka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in guud ahaan Beledxaawo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howl-gala magaaladaasi.

Sidoo kale maamulka degmada Beledxaawo ayaa shaaciyey in amniga uu wanaagsan yahay, islamarkaana dhaq dhaqaaqa ganacsiga uu caadi yahay.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale bilaabay inay dib u soo guryo noqdaan, kuwaas markii horeba ka barakacay dagaalka markale dib uga  qarxay halkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa abaabulka dagaalkaasi ku eedeysay Kenya, iyada oo sheegtay inay soo hubeysay ciidamada weerarka ku soo qaaday magaalada Beledxaawo.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this