Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska ciidanka Xoogga oo war kasoo saaray dagaalkii Beledxaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Gen Maxamed Tahliil Biixi oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalkii lagu soo afjaray dagaalkii magaalada Beled Xaawo.

Taliyaha Ciidanka Dhulka xoogga Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi ayaa wax laga Xumaado ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed oo laga soo abaabulay dal shisheeye oo u shaqayna dano dalka kale iyo gumeysi inay xalay soo galaan magaalada Beled Xaawo, halkaas oo ay dagaal kula galeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in maleeshiyaadkii magaalada soo galay ay galeen labo guri laakiin ay dagaal kala kulmeen Ciidamadda dowladda qeybahooda kala duwan oo difaac adag ku jiray, kuwaas oo sido kale ka taxadaray inaysan khasaaro gaarsiinin hantida iyo guryaha dadweynaha oo maleeshiyaadku gabaad ka dhigteen.

Generaal Maxamed Tahliil Biixi, taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga Soomaaliyeed ayaa sheegay inay Ciidamadu ay gacanta ku dhigeen maxaabiis badan oo kamid ah Jabhaddii la soo abaabul intii kala ay kala raacdeeyeen, Taliyaha ayaa intaas ku daray in maxaabiista la qabay ay iskugu jiraan qaar toddobaadyo ka hor sheegay cadaadis saraan owgii ay isku soo dhiibayaan dowladda iyo kuwo dagaalka lagu qabtay.

Genaraal Maxamed Tahliil biixi, ayaa ku soo koobay khasaaraha Ciidamada Dagaalkaasi ka soo gaaray dhimashada Taliye ku xigeenkii Ciidanka Booliska ee magaalada Beled Xaawo iyo labo askari oo dhaawac ah, Asagoona sheegay in si buuxda oo ciidamaddu ay gacanta ugu hayaan magaalada iyo deegaanadda ku dhow.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa tacsi u diray labo qoys oo ay dad kaga dhinteen madaafiicdii maleeshiyaadku turaayey.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this