Deeq A. Posted January 25, 2021 Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobaybunqaabilsan Soomaaliya James Swan iyo Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa kawada hadlay Arimaha Doorashada Soomaaliya iyo sidii Dalka looga badbaadin lahaa qalalaaso Siyaasadeed. Ergayga Gaarka ah ayaa Dowlada Puntland uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee uu had iyo jeer ugu yimaado Puntland iyo Dadaalada ay Puntland uga qaybqaadato Dadaalada Siyaasadeed ee ka socda Soomaaliya. Labada Masuul waxay ka wadahadleen Qorshe ay hormuud ka tahay Beesha Caalamku si xal loogu helo Muranka Siyaasada ee ka taagan Doorashada. Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Madaxweyne Deni uu soo dhaweeyey Dadaalkaas, uuna aqbalay inuu ka qaybqaato Kulan la qorsheynayo inuu dhowaan dhex maro Saamilayda Siyaasada, kulankaas ay garwadeenka ka yihiin Beesha Caalamku. Dhinaca kale waxaa iyana kulmay Wasaaradaha Puntland iyo qaar kamid ah Hay’adaha Qaramada Midoobay waxayna kawada hadleen Mashaariicda Horumarinta ee sanadaha soo socda. Puntlandi.com Garowe The post Swan iyo Deni oo isla meel dhigay Qorshaha Doorashada appeared first on . Source Share this post Link to post Share on other sites