Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxaa ka soo baxay kulankii Siciid Deni iyo James Swan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka midyihiin Madaxda Hay’addaha WFP, UNHCR iyo UNWOMEN.

Kulanka ayaa looga hadlay marxaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha Siyaasadda gaar ahaan Doorashada iyo shaqooyinka Hay’addaha Qaramada Midoobey ka fuliyaan Puntland sida mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo.

“Waxaan sidoo kale Ergayga gaar ka ah uga mahadcelinayaa kulankii gaarka ahaa ee aanu yeelanay sidii deganaanshaha Soomaaliya horumarka la rajeynayo dhinaca siyaasadda hore loogu qaadi lahaa, gaar ahaan arrimaha doorashada oo runtii ah arrimo maalmihii u danbeysay taagnaa, wax wanaagsan oo muujin kara inay hore u sii socon karto in la helo doorasho lagu wada qanacsanyahay, oo ay kawada qeybgalaan dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya, sidoo kalena dadka daneeyayaasha Siyaasadda ee Soomaaliduna ay ka dhex arki karaan maslaxad Soomaaliyeed iyo mid loo simanyahay. Waxaan rajeynaynaa kulamadaasi oo weli socda in ay iyaguna gaari doonaan meelo muhim ah, oo la rajeynayo in lagu wada qanco.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni .

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan wuxuu muujiyay sida ay Beesha Caalamka u dooneyso in wadahadal lagu dhammeeyo arrimaha doorashada si loo gaaro heshiis lagu hirgelinayo doorasho wadar ogol ah oo lagu wada qanacsanyahay, isagoo sidoo kale xusay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Dhinaca kale Wasiirada Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ayaa Iyana kulan gaar ah la qaatay madaxda Hay’addaha WFP, UNHCR iyo UNWOMEN. Kulankaasi waxaa looga hadlay sidii la isu waafijin lahaa qorshaha horumarinta Puntland ee shanta sano iyo qorsheyaasha u yaalla hay’addaha qaramada midoobey iyo sidii la isaga kaashan lahaa  saameynta ay ka dhalatay Covid-19, Ayaxa iyo  Duufaantii GATI.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

142637258_1101372723609580_4612097511717778973_o 142845051_1101372690276250_6113586777402592427_o 141927889_1101372683609584_1322872978704455715_o 142018874_1101372906942895_8471964089774370592_o 142024796_1101372700276249_8295426300809459610_o 142479373_1101372893609563_3225180830610121868_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this