Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Federaalka oo guulo ka sheegatay Dagaalka Baledxaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federaalka Cusmaan Dube oo shir jaraa’id qabtay saaka ayaa sheegey in Ciidamada Dowlada Federaalku ay jabiyeen Maleeshiyaad soo weeraray Magaalada Baledxaawo ayna ka qabteen Boqolaal Qof.

Wasiirku wuxuu intaas raaciyey in Magaalada ay Dowladu gacanta ku heyso ayna Ciudamada si fiican isaga caabiyeen weerarka lagusoo qaadey.

Dhanka kalena Wariye ku sugan Bakedxaawo wuxuu Puntlandi.com u xaqiijiyey in Ciidamada Jubbaland ay gacanta ku hayaan gabi ahaan Magaalada, Madaxweyne Xigeenka Jubbaland ayaa isna sidasoo kale sheegay in Ciidamada Dowlada looga itaal roobaaday Dagaalka, ayna Baledxaawo kusoo laabatay gacanta Jubbaland.

Waxaa jira khasaare xoogan oo Dadka Shacabka soo gaaray sida uu xaqiijiyey Wariyaha Puntlandi.com ee Mandheera.

Puntlandi.com Mandheera

The post Dowlada Federaalka oo guulo ka sheegatay Dagaalka Baledxaawo appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this