Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo ka hadashay dilkii marxuum Cawil Buluq

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad Goboleedka Jubaland waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa guud ahaan reer Jubaland  geerida naxdin leh ee ku timid marxuum Cawil Cali Bare Cumar (Cawil Buluq ) oo xalay ku geeriyooday is-rasaaseyn ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo.

Marxuum Cawil Cali Barre oo ahaa masuul ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa u dhintay rasaas ka dhacday bar koontarool oo u dhaw hoyga uu ka daganaa Magaalada Kismaayo, hey’addaha amniga ee Magaalada ayaa ku guda jira baarista waxa sababay rasaastaas.

ugu danbeyn waxaan Alle ugu baryeynaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka tagay marxuumka inuu samir iyo iimaan siiyo, isagane janada firdows guri uga yeelo. aamiin

142421604_1963622843778607_7448837049901

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this