Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo ka hortegtay hub la soo gelin rabay dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in laamaha ammaanka ay ka hortegeen hub sharcdi darro ah oo la doonayey in la soo geliyo dalka.

Warkan ayaa waxaa lagu sheegay in hubkaasi oo ahaa mid culus ay ku howlanaayeen inay dalka soo geliyaan hay’ado ajnabi ah, dalal shisheeye iyo dad Soomaali ah.

Halkan hoose ka aqriso:-

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xogo muhiim ah ku heshay in hay’ado ajanebi ah, waddamo shisheeye iyo dad Soomaali ah oo isbahaystay ay maalmahan isku deyeyeen in ay hub culus iyo rasaas sharci darro ah soo geliyaan Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, iyada oo aan haba yaraatee waxba lagala socodsiin, ogolaanshana aan laga haysan hay’adaha kala duwan ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxa ay leedahay nidaam adag iyo habraac sugan oo loo maro soo gelitaanka hubka illaa meesha uu ka yimaaddo illaa barta ugu dambaysa ee lagu kaydiyo. Nidaamkaas ayaana maanta u sahlay in Dowladdu ogaato isna hortaagto hubkaas sharci darrada ah ee la rabay in la soo galiyo Dalka

Dowladda Federalka Soomaaliya qorshahan la rabay in Dalka lagu soo geliyo hub sharci darro ah iyo wax kasta oo khalkhal gelinaya nabadda iyo xasiloonida Dalka waxa ay u aragtaa duulaan lagu soo qaaday madaxbanaanida iyo xasiloonida Dalka. Mowqif adagna way iska taagaysaa.

Xukuumadda Federalka Soomaaliya waxay baaritaan ku haysaa hubkaas culus iyo rasaastaas sharci darrada ah ee Dalka la soo gelin rabay, meesha loo waday, meesha laga soo dhiibay iyo ujeedka laga lahaa

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this