Deeq A. Posted January 25, 2021 (SLT-Stockholm)-Dowlada Sweden ayaa ku dhawaaqday inay xidheyso xadka ay la wadaagto dalka Norwey. Sababta ayaa ah noocyada kala duwan ee loo yaqaan ‘coronavirus variant’ oo laga helay Norway, kaas oo ah nooc degdeg ku faafa oo dilaa ah. Wasiirka arrimaha gudaha ee Sweden Mikael Damberg ayaa u sheegay wakaalada wararka ee dalka Sweden ee TT in mamnuucida soo galitaanka ee Norway ay timid kadib markii ay soo baxday qeylo dhaan ku saabsan in isbadalka viruska Ingiriiska uu ku faafayo aaga Oslo. Dowlada Norwey ayaa ku dhawaaqdey iney xidheyso caasimada Oslo iyo meelaha deriska la ah si ka badan sidii hore inta lagu jiro aafadan sida ba’an u faafeysa. “Kama caban karno in dadka Iswiidhishka ah ay doonayaan in ay xidhaan xuduudkooda si ay uga hortagaan virus-kan isbedelay, Norway waxay ka mid tahay waddamada yurub ee waligoodba lahaa qawaaniinta ugu adag ee coronavirus lagu xakameynaayo iyo in viruska is badalay oo laga helay wadamo badan. ayey tidhi Raysul wasaaraha Norway Erna Solberg mar ay la hadashey Telefishanka Sweden. Solberg ayaa sheegtay in mamnuucidan ay dhaqan galayshay waxa ayna socon doontaa ilaa 14ka February. Nooca viruska Ingiriiska lagu arkey ee coronavirus variant ayaa sidoo kale laga helay Iswiidhan. Source Share this post Link to post Share on other sites