Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradaha Dagaalka Ee Xambaara Madaxyada Nukliyeerka Ee Shiinaha Oo Galay Hawada Taiwan.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Taiwan)-Diyaaradaha dagaalka ee xambaara madaxyada Nukliyeerka ee Shiinaha ayaa galay hawada koonfur-galbeed ee Taiwan.

Ciidamada cirka ee Taiwan ayaa iyaguna hawadooda ku xidhay qalabka ka-hortagga gantaalaha. Wasaaradda difaaca ee Taiwan ayaa sheegtay inay u digeen Ciidamada China.

Shiinaha ayaa Taiwan u aqoonsan dhul ka mid ah dalkiisa. Shiinaha ayaa dhawr jeer duulaan dhanka badda ah Taiwan ku qaaday, halka Taiwana ay dhawr jeer iska caabisay.

Sawirro ay baahiyeen wasaaradda difaaca ee Taiwan ayaa muujinaya diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha oo gaaf-wareegaya biyaha Taiwan.

Maraykanka ayaa ugu baaqay Shiinaha inuu joojiyo culaysyada diblomaasiyaddeed iyo dhaqaaleed ee uu ku hayo Taiwan.

Maraykanku waxa uu taageerayaa madax banaanida Taiwan, Afhayeen u hadlay Mareykanka oo lagu magacaabo Ned Price, ayaa sidaas yidhi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this