Deeq A. Posted January 25, 2021 (SLT-Kuwayt)-Amiirka dalka Kuwayt ayaa mar kale raysal wasaare u magacaabay Shiikh Sabaax Al-Khaalid Amiirka dalka Kuwayt Nawaaf Al-Axmad Al-Jaabir ayaa maanta oo Isniin ah dib ugu magacaabay Raysal wasaaraha dalkaas Shiikh Sabaax Al-Khaalid Al-xamad Al-Sabaax. Wakaaladda wararka ee Kuwayt ayaa sheegtay in wareegto ka soo baxday xafiiska amiirka dalkaas lagu magacaabay Shiikh Sabaax Al-Khaalid. Raysal wasaasraha la magacaabay ayaa la amaray inuu so xulo golo wasiirro oo tayo leh kuwaas oo dalka ku hoggaamin kara horumar . Amiirka dalka Kuwayt ayaa hore u aqbalay iscasilaadda xukuumaddii hore isagoo ka codsady inay xilka sii hayaan inta laga soo dhisaayo xukumad cusub. Source Share this post Link to post Share on other sites