Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay James Swan + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan iyo qaar ka mid ah madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay sida Hay’adda Cunada Aduunka ee WFP iyo Barnaamijka Horumarinta ee UNDP.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda Galmudug.

Kulanka ayaa looga hadlay qorshayaasha horumarineed ee ka socda Galmudug sida horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, dhismaha iyo dhameystirka dowladaha hoose, arrimaha bini’aadanimada, amniga iyo arrimaha doorashooyinka Dalka.

Ugu danbeyntii, kulanka ayaa ku soo si guul ah ayadoo la isku afgartay wada shaqeyn joogta ah.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

142211641_3662683473768654_5102456630683 142227338_3662682653768736_2192356859957 142280304_3662683797101955_7303050102004 142321112_3662682600435408_7856724794438 142321112_3662682600435408_7856724794438 142371221_3662682903768711_2738585248489 142444230_3662683587101976_2920029296099 142444230_3662683587101976_2920029296099

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this