Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xildhibaano laga hor-istaagay inay ka shiraan askarta lagu la’yahay Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa is hortaagay shir muhiim ah oo ay xildhibaano ka mid ah Golaha Shacabka ka yeelan lahaayeen xaaladda Soomaaliya.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in shirkaan uu ka dhici lahaa Villa Hargeysa oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la damacsanaa in looga hadlo laba qodob oo kala ah, doorashada iyo dhallinyarada lagu la’yahay dalka Eritrea.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS ayaa la sheegay inuu bixiyay amar tilmaamaya in aanan la furi karin xarunta baarlamanka, iyadoo markii ay doodda sii badatay la sheegay in la beddalay dhamaan furayaashii xarunta laguna xiray Sakatuurooyin cusub.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay guddoomiye Mursal siisay amarka lagu joojiyay fadhiga baarlamaanka iyadoo diidan qodobada la qorsheeyay in laga hadlo.

Xildhibaanada kulankaan soo abaabulay ayaa la sheegay in ay u badanyihiin kuwa mucaarad ah islamarkaana aad u diidanaa sida ay Xukuumada Soomaaliya u maareysay qeyla dhaanta waalidiinta Soomaaliyeed oo ay carruurta ka maqanyihiin iyo dooda ka taagan doorashada Soomaaliya.

Dhowaan ayaa Guddiga Arrimada Dibadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu waraaq ku saabsan ciidamada lagu la’yahay dalka Eritrea u gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiga ayaa madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inuu cadeeyo ciidamada tobabarka loo geeyay dalka Eritrea iyo xiliga ay ku soo laabanayaan dalka, maadama eheladii dhalinyaradaas ay muujinayaan walaac ku aadan xaaladooda caafimaad.

“Guddiga Arrimada Dibadda Golaha Shacabka BJFS isagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga kor-joogteynta hay’addaha Dowladda, tix-gelinaya cabashooyin ka soo gaaray waalidiin caruurtooda tababar ciidan loogu qaaday Dalka Eritrea, waxaan kaa codsaneyna inaad noo cadeyso Ciidamada halkaa tababarka u jira tiradooda guud inta ay tahay, iyo goorta ay ku soo noqonayaan dalkooda hooyo,” ayaa lagu yiri waraaqda uu guddiga u diray Farmaajo.

“Waxaan kaa codsaneynaa inaad cadeysid halka ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas tababarka loo qaaday, lana xiriirisid waalidiintooda.”

“Waxaan kale oon ka codsaneynaa in si degdeg ah loogu diro guddi dawladda iyo golaha shacabka ka kooban oo soo xaqiijiya noloshooda iyo geeridooda intaba. Annaga oo ku kalsoon inaad nala wadaagi doonto cadeymo ay ku qancaan waalidiinta iyo ummada Soomaaliyeed, naga guddoon salaam xushmad leh.”

Farmaajo weli kama soo jawaabin codsiga guddiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this