Sign in to follow this  
Deeq A.

Laamaha Amniga Puntland oo xalay qabtay dad lala xiriirinayo Qaraxii Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Laamaha Amniga Puntland, ayaa xalay Gaalkacyo ku qabtay xubno kala duwan oo lala xiriirinayo Qarax habeen ka hor ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo.

Hawlgal qorshaysan oo Ciidanku ka sameeyeen xaafadaha Gaalkacyo, waxay ku soo qabteen xubno lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen qaraxaas, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliiska.

Lama xusin tirada dadka lagu qabtay hawlgalka, balse waxa saraakiishu sheegeen in baaritaan lagu samayn doono dadkaas.

Qaraxa habeen ka hor ka dhacay Gaalkacyo, oo ay ku dhinteen hal askari iyo qof shacab ah, islamarkaan ay ku dhaawacmeen 8 ruux, waxa mas’uuliyadiisa sheegtay  Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Laamaha Amniga Puntland oo xalay qabtay dad lala xiriirinayo Qaraxii Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this