Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Badhan oo shaqada laga joojiyay iyo ciidamo cusub oo lagu wareejay Amniga magaalada

Recommended Posts

Deeq A.   
2-15.jpg?resize=480%2C437&ssl=1

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si rasmiya loogu wareejiyay Amniga degmadaas.

Booliiska magaalada Badhan ayaa Shaqada laga fariisiyay, waxaana Ciidanka Daraawiishta lagu amray in ay hawlgal xooggan ka bilaaban gudaha magaalada, si loo xaqiijiyo Amniga oo muddooyinkii u dambeeyay habacsanaan laga dareemay.

Ciidanka waxa sidoo kale lagu amray in ay magaalada ka nadiifiyaan astaamaha maamulka Somaliland, islamarkaana ay xabsiga dhigaan, haddii cid ka tirsan Somaliland isku dayo in ay soo gasho gudaha degmada Badhan.

Sidoo kale, waxa Ciidanka la faray in ay si adag ula dagaallaman dadka ka ganacsada maandooriyaha, gaar ahaanna Khamriga kuwaas oo mudooyinkii dambe ku soo badanayay magaalada Badhan.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Badhan oo shaqada laga joojiyay iyo ciidamo cusub oo lagu wareejay Amniga magaalada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this