Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada-hadleen Qoor Qoor iyo James Swan?

Recommended Posts

Deeq A.   
Qoor-Qoor-Swan.jpg?resize=1000%2C667&ssl

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Mr Swan waxa socdaalka ku weheliyay  qaar ka mid ah madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay sida Hay’adda Cunada Aduunka ee WFP iyo Barnaamijka Horumarinta ee UNDP.

Madaxweynaha Galmudug waxaa isna kulanka ku wehliyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Gud. Xigeenka Baarlamaanka iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirada maamulkaas.

Kulanka ayaa looga hadlay qorshayaasha horumarineed ee ka socda Galmudug sida horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, dhismaha iyo dhameystirka dowladaha hoose, arrimaha bini’aadanimada, amniga iyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Maxay ka wada-hadleen Qoor Qoor iyo James Swan? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this