Deeq A. Posted January 24, 2021 Wararka Naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya in dagaal socday muddo saacado ah , ku dhex Ciidamada Jabuti ee qeybta ka howla galka midawga Nabad Ilaalinta Afrika AMISOM, iyo Ururka Al-shabaab . Dagaalka ayaa yimid kadib markii Saldhig Ciidmada AMISOM, ku leeyihiin degmada Jalalaqsi ay xalay Saqdii dhexe ay weerar ku qaadeen xubna ka tirsan Ururka Al-shabaab. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xalay xilli danbe ay maqlayeen dhawaa rasaasta labada dhinac ay isweedaar sanayeen . Illaa hadda macadda qasaarah rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Ciidamaa AMISOM iyo Al-shabaab ku dhex maray degmada Jalalaqsi . Sikastaba Saraakiisha Ciidamada AMISOM & kuwa dowladda ee degmada Jalalaqs, ma jirto cid weli ka hadashay dagaalka . Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites