Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhuusamareeb:- Swan oo La Kulmay Qoor Qoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa garoonka diyaaradaha maagalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug, goordhaw gaaray wafdi uu hogaaminayo wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha soomaaliya James Swan.

Wafdi Swan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweeyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad gobaleedka galmudug.

Ujeedka Safarka wakiilka Qaramada Midoobe ayaa ah sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka hareeyay arimaha doorashooyinka Soomaaliya

James Swan iyo wafdigiisa ayaa la filaya in ay inta ay halkaasi ku sugan yihiin kulama ay la qaatay madaxweeynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas .

May be an image of 1 person and standing

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this