Deeq A. Posted January 24, 2021 War qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa looga hadlay dilal 24-kii saac ee la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sheegtay in bariga, bartamaha iyo galbeedka caasimadda ay ku dishay ugu yaraan 7 ruux oo isugu jiro askar iyo saraakiil ka tirsan DF, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay in 4 ka mid ah askarta ay dishay ay ku dhinteen qarixii shalay ka shacay agagaarka sarta Beexaani , halka 3 kalena toogasho lagu dilay. Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro qaraxyo & dilal qorsheysan intaba. View the full article Share this post Link to post Share on other sites