Sign in to follow this  
Deeq A.

Qalab Sheegaya Marka Aad Faraxsan Tahay Iyo Marka Aad Murugeysan Tahay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Waa qalab casri ah oo gacanta lagu xidho, waxaana la yidhaahdaa Moodbeam, ma aha qalab la soconaya xaaladda caafimaad balse waa mid la soconaya xaaladda shaqaalaha gaar ahaan dareenkooda marka ay shaqeynayaan.

Qalabkan oo lagu xidhiidhiyo teleefoonka ama Internetka ayaa wuxuu leeyahay laba meelood oo laga riixo mid waa huruud halka tan kalena ay tahay buluug.

Tusaale ahaan, haddii aad riixdo midda huruuda ah waxay ka dhigan tahay in aad faraxsan tahay halka tan buluugga ay ka dhigan tahay in aad murugeysan tahay.

Markii waxaa xogtaas helaya madaxda shaqaalaha oo la soconaya xaaladda uu ku sugan yahay qofka shaqaalaha isagoo ka eegaya Online-ka maadama xogta qalabkaas uu kala soconaya teleefoonka ama Internetka.

Sababta loo soo saaray qalabkan ayaa ah in shirkadaha ay la socdaan xaaladda shaqaalahooda ka shaqeynayo guryaha, waxaana shaqaalaha lagu boorinayaa inay xidhaan qalabkan si loola socda xaaladda ay ku sugan yihiin marka ay ku gudo jiraan shaqadooda.

“Shirkadaha waxay isku dayayaan in xidhiidh wanaagsan ay la yeeshaan shaqaalaha ka shaqeynayan guryaha” ayay tidhi Christina Colmer McHugh oo kamid ah dadka soo saaray qalabkan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this