Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo qabsaday Raagaceelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Al-shabaab ayaa la sheegay in uu saaka la wareeegay gacan ku haynta degmada Raagaceelle ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Al-shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ay halkaas ku la haayeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dagaal muddo socday kadib ay Al-shabaab la wareegeen degmada, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka degaanka.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa war soo saareen ku sheegtay in ay dagaal kula wareegeen degmada Raagaceelle ee gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana la ogayn khasaaraha ka dhashay dagaalka halkaasi ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee halkaas duleedka Raagaceelle aysan ka qeyb qaadan dagaalka..

Muddo hadda laga joogo 6 sano ayaa ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay Al-shabaab kala wareegeen degmada Raagaceelle.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo qabsaday Raagaceelle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this